Saraakiisha doowlad ee jubooyinka oo sheegay ineeysan aqoonsaneen maamulka Axmed Madoobe Dhageyso

Korneyl Maxmed Buule, oo kamid ah saraakiisha Ciidamada doaowlada Soomaaliya, ee ku sugan gobolada Jubooyinka, ayaa sheegay in Ciidamada doowlada Soomaaliya ee ku sugan goboladas ay yihiin ciidan isku filan, il gaar ahna ku fiirinaya dhaq dhaqaaqa kasocda Kismaayo.

Korneylka, ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ee ku sugan kismaayo ay qaadayaan masuuliyada wixii halkaas kadhaca, waxaana uu ku eedeeyay ineey iyaga masuuliyiinta doowlada kahor istaagaan iney gudaha u galaan Kismaayo.

“Axmed Madoobe garoonka Kismaayo mahaysto mana xukumo, garoonka waxaa xukuma Ciidamada Kenya, diyaaradii kasoo degta ama kaduusha Ciidamada Kenya lagula xisaabtamaa” ayuu yiri Korneylka.

Korneyl Maxmed Buule, ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada doowlada ee ku sugan Kismaayo iyo jubooyinka aysan qoonsaneen wax layiraahdo Jubaland, ilaa doowlada Soomaaliya ay maamul usoo magacaawdo halkaasna, waxaana uu sheegay ineysan u dulqaadan doonin nidaamka is magacaabay ee hada Kismaayo kajira.

Maamulka Axmed Madoobe, ayaa haatan isku dayaya xakamaynta madaxda doowlada Federaalka Soomaaliya, ee ka tagaya Muqdisho aadayana magaalada Kismaayo, balse waxaa xusid mudan in garoonka Kismaayo ay gacanta ku hayaan Ciidamada KENYA ee sida magac u yaalka ah u hoostaga taliska AMISOM.

 Dhageyso Taliyaha oo ka warbxinaya xaalda ciidamda iyo Kismaayo

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/05/cidamadaxooga.mp3″]

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

  1. buule iyo 3 wasiir waxaa lagu hayaa garoonka kismayo.
    shirqoolkii ay wadeen waa fashilmay.
    diyaarad hadii loo diro xamar ayeey ku soo laabanayaan
    meesha dowlad ayaa ka dhisan anshaxa iyo barotakoolka
    ha la ilasliyo meesha ma aha baraako cabdow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here