Saraakiisha Ciidanka Dowladda oo Faah-Faahin ka Bixiyay Sida ay Ula Wareegeen Jowhar

Taliska ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaal ay kula wareegeen gacan ku haynta Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Taliyaha gaaska Koowaad ee ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed C/laahi Cali Caanood oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in degmada Jowhar ay kula wareegeen dagaalo ay ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay dhowr jiho kaga qaadeen.

Wuxuu sheegay in hada ay si buuxda ay uxaqiijiyeen gacan ku haynta Degmada Jowhar iyo mahadaay islamarkaana ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ay usii gudbeen Dhanka Fiidoow iyo Jalalaqsi.

Sida uu sheegay C/laahi Cali Caanood Shacabka Degmada Jowhar ayaa waxa ay caleemo qoyan kusoo dhaweeyeen ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed markii ay gudaha ugaleen ciidanka qaranka.

Taliyaha gaaska kowaad ee ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed C/laahi Cali Caanood ayaa sheegay inay ka warqaban in ciidamad Shabaab ay isku uruursanayaan Degmada Buulo Burde ee Gobalka Hiiraan halkaasina ay kaga daba tagayaan.

Al-Shabaab ilaa iyo iminka majirto wax war ah oo kasoo baxay kaasi oo ku aadan qabsashada Degmada Jowha.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here