Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee SH/Hoose oo Sheegay in Wax Laga Qaban Amniga Guud

Xilli ay soo badanaayaan dhibaatooyinka ay Ciidamada Dowladda u geystaan dadka rayidka ah ee ku dhaqan gobolka Sh/Hoose ayaa saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan gobolkaasi waxay wacad ku mareen in ay sugi doonaan ammaanka shacabka gobbolka Shabeelaha Hoose iyagoona ballan qaaday in aan xad gudub dambe aan lagula kici doonin.

Cabdullahi Axmed Waafow oo kamid ah saraakiisha Ciidamada Dowladda ee gobbolka Shabeelaha Hoose aya sheegay in ay sugaayaan ammaanka gobbolkaasi waxa uuna meesha ka saaray eedeymo loo soo jeediyey Ciidamada oo ahaa in ciidamada ay kufsi kula dhaqaaqeen haweeney ku nool gobolkaasi.

Waafow ayaa tilmaamay in arimahaasi mar dambe aysan ka dhici doonin isla markaana ay wax weyn ka qaban doonaan falal noocaasi oo kale.

Cabdullahi Axmed Waafow ayaa waxa uu kaloo sheegay in ay ciidamada dowladda ay gobbolkaasi ka wadaan qorshayaal ay dhawaan kula wareegi doonaan degmooyinka kale ee gobbolka Sh/Hoose ee ka maqan gacanta dowladda.

Maalmo ka hor ayey ahayd markii rag ka tirsan ciidamada dowladda ee gobbolka Sh/Hoose ay kufsi u geysteen haweeney ku nool deegaanka Ceel Jaalle ee hoos taga magaalada Marka ee xarunta gobbolka Shabeelaha Hoose.

Hadalka sarkaalkaan ayaa kusoo aaday xilli askar katirsan Ciidamada Dowladda ay shalay degmada Marka kufsi ugu geysteen hooyo dhashay in ka badan 9-carruur ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here