Soomaali lagu soo tababaray Imaaraadka oo dib u soo laabtay

Waxaa maanta oo dalka dib ugu soo laabtay ciidamo gaar ah iyo saraakiil lagu soo tababaray dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, ciidamadaas oo loo soo tababaray ilaalinta Madaxtooyada Qaranka iyo goobaha muhiimka ah ee dowladda.

Tirada ciidankan sida gaarka ah loo soo tababaray ayaa waxay gaareysaa 58 askari oo ay ku jiraan dhowr saraakiil sar sare ah, waxayna ku soo qaateen dalka Imaaraadka Carabta tababar socday muddo labo bilood ah.

Ciidamada iyo saraakiisha oo la socday diyaarad gaar ah oo ka soo qaaday dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa gegida diyaardaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Madax ka tirsan Madaxtooyada qaranka, saraakiil ciidan iyo madax ka tirsan Safaaradda dowlada Imaaraatka carabta ee soomaaliya.

Ku-xigeenka agaasimaha guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdi Muxumed Axmed oo ka hadlay munaasabaddii soo dhaweynta ayaa u mahadceliyay dowladada Isutagga Imaaraadka Carabta kuna ammaanay taageerada dhinac walba leh ee ay la garab tagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“ Anigoo ku hadlaya magaca Madaxtooyada Soomaaliya waxaan aad uga mahad celineynaa taageerada dowladda aan walaalaha nahay ee Imaaraadka nala garab taagantahay, mar walba xag dhaqale, xag siyaasadeed iyo xag ciidan intaba” ayuu yiri Mudane Cabdi Muxumed agaasime ku xigeenka madaxtooyada.

Waxa kale oo uu agaasime ku-xigeenka madaxtooyada uu kala dardaaramay ciidanka iyo saraakiisha soo dhammeystay tababarka in ay si hufan uga soo dhalaalaan howsha loo igmaday oo ah inay sugaan ammaanka goobaha muhiimka ah ee dowladda oo ay ka mid tahay xarunta Madaxtooyada.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadaly Kornayl Maxamed Maxamud oo ah madaxa saadka ee Madaxtooyada, isagoo sheegay in taageerada dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ay tahay mid muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed

Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa Soomaaliya ka wadda mashaariic kala duwan oo isugu jira kuwo bani’aadannimo iyo kuwo horumarineed, iyadoo dib u hagaajineysa dhismayaasha Madaxtooyda Soomaaliya, iyo sidoo kale isbitaal weyn oo ay ka dhiseyso degmada Shangaani ee gobolka Banaadir, dhismahaas oo gabagabo ku dhow, waxaa ku baxaysa lacag malaayiin Doolar ah. Waxaa kale oo mashaariicda dowlada Imaaraadka ay ka fulineyso Soomaaliya ka mid ah; dhismaha Iskuullo, Xarumo ciidan , Saldhigyo Boolis, ceelal biyoodyo iyo dowladaha hoose ee gobollda dalka.

Waxaa kale oo ay dowlada Imaaraadka taageero ballaran u fidisay dadkii ku barakacay daadadkii iyo dabeylihii ku dhuftay meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya sanadkii hore. Iyadoo dowladda Imaaraatku ballan qaaday taageero ballaaran ka dib booqashadii Ra’ssal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed uu ku tagay dalkaasi horraantii bishii Maarso ee lasoo dhaafay.

Dhawaaan ayay aheyd markii Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya  Danjire Maxamed Al-Cuthman uu waraaqihisa aqoonsiga u gudbiyay Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Burci Maxamed Xamza, iyadoo la filayo in Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu isna ka guddoomo waraaqaha aqoonsiga danjira Isutagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya.

IMG_1706 IMG_1707 IMG_1710 IMG_1711 IMG_1715 IMG_1718 IMG_1719 IMG_1720 IMG_1722 IMG_1725 IMG_1732 IMG_1736

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here