Saraakiil Kenyaati ah oo lagu laayey Dalkaasi & Tuhun loo saaray Ururka Al Shabaaab

meyd

Rag hubeeysan oo aan la aqoonsan ayaa weerar gaadmo ah ku dilay ugu yaraan siddeed askari oo Boliska Kenya ka tirsanaa oo joogay Gobolka Turkana ee waqooyi-galbeed ee Kenya,iyadoona laga cabsiqabo in 12-kale oo saraakiisha Kenya in ay ka mid yihiin ciidanka ku geeryooday weerarka.

Saraakiisha police-ka ayaa sidoo kale sheegay in ay dadka geeryooday ay kamid ahaayeen labo ruux oo rayid ah,balse faafaahin intaasi ka dheer kama aysan bixin Saraakiishi ka hadlay weerarkaasi.

Daaqa Lo’da iyo dhulbeeraadka dagaalada ka dhashay ayaa waxaa ay can ka yihiin dhulka oomanaha ah ee bariga Africa.

Raga hubeysanaa ee weerarkaasi qaaday ayaa la sheegay in looga shakisanyahay in ay ka tagageen dalka Soomaaliya.

Afhayeen police oo lagu magacaabo Masoud Mwinyi,ayaa kamid ahaa ciidanka amaanka sugayay ee ku sugnaa xaafada Kapedo oo ka tirsan gobolka Turkaana,ayaa warkooban oo warbaahintasiyay waxaa uu ku shegay in dagaal uudhexmara ragii hubeysaa iyo ciidanka kadibna uu qasaare xoogbadan uusoo gaaray ciidanka amaanka.

Televishin-ka dowlada dalkaasi ayaa laga daawaday in dhimashada iyo dhaawaca askartaasi in laga so duuliyay  Gobolka Turkana ee waqooyi-galbeed ee Kenya.

Bishii Nonember sanadkii 2012 ayaa waxaa weerarnoocaan ah uu ka dhacay galbeedka dalka Kenya gaar ahaa degaanka  Samburu,iyadoona halkaasi ay ku qur baxeen 32 askeri oo ka mid ahaa ciidanka amaanka dalkaasi.

Sanadkii la soo dhaafay in ka badan 100 qof ayaa lagu dilay deegaanka Tana River ee Kenya  markii labada beelood oo iska soo horjeeda dagaal todobaad soconayay oo ku saleynaa dhulka iyo kheyraadka biyaha uu ku dhexmaray degamada Tana River.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here