Saraakiil ka tirsan AMISOM oo u digay Farmaajo

Saraakiisha AMISOM ayaa galabta digniin culus u jeediyey Murashax Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo lagu wargeliyey inuu joojiyo rabshadaha uu lasoo galay Muqdisho.

Sida aan ku heleyno wararka Mr. Farmaajo ayaa galabta loogaga yeeray taliska AMISOM ee Xalane halkaas oo uu kulan kula qaatay saraakiisha ugu sareeyo AMISOM kuwaasi oo ka wareystay arimo ku saabsan xaga amniga.

AMISOM ayaa kala hadashay Farmaajo shaqaaqadi ay taageerayaashiisa ka sameeyeen degmada Xamar Weyne maalinti shalay aheyd taasi oo ay ku dhinteen laba ruux isla markaana ku dhaawacmeen 3 kale.

Farmaajo ayaa loogaga digay inuu mar kale ku lug lahaado shaqaaqo keeni karta amni dari ka dhalata magaalada Muqdisho xiligaan kala guurka ah.

Wasaaradaha gaashaandhiga iyo arrimaha gudaha ayaa maanta ku wada dhawaaqay qorshe hubka loogaga dhigayo ciidamada sida sharci darada ah magaalada ugu dhax wata qoryaha iyo kooxaha kalaba si amaanka loo sugo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here