Saraakiil ka tirsan AMISOM oo gaartay Baydhabo

Saraakiil ka socda ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ayaa maanta ka dagay magaalada Baydhabo kadib marki ay ka duuleen Muqdisho.

Saraakiisha oo ah todobo ruux ayaa ka kala socda dalalka Uganda iyo Burundi oo ah kuwa ugu badan ee ay ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya.

Marki ay gaareen magaalada Baydhabo waxaa la geeyey xarunta gobolka halkaas oo ay kula kulmeen gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan iyo saraakiil Itoobiyaan ah.

Janaraalka heysta ciidanka Itoobiya ee ku sugan Baydhabo, Jeneraal Yoohanes ayaa saraakiishan warbixin ka siiyey amaanka magaalada Baydabo.

Ujeedada saraakiishan ay u gaaree Baydhabo ayaa lagu sheegay sidi ay ugu kuur gali lahaayeen xaalada magaalada iyo sahan ay ku sameynayaan meelihi ay ka dagi lahaayeen ciidanka AMISOM oo la filayo in ay amaanka kala wareegaan ciidanka Itoobiya.

Itoobiyaanka ayaa ka bixi doona magaalada Baydhabo dhamaadka bisha April.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.