Saraakiil Boolis oo lagu dhaawaca Garissa

GARISSA, KENYA: Ugu yaraan afar qof oo ay ku jiraan seddax sarkaal oo boolis ah ayaa ku dhaawacmay weerrar xaley ka dhacay magaalada Gaarisa ee gobalka waqooyi bari dalka Kenya.

Sida ay lee yihiin goobjoogayaasha iyo booliska kooxo hubeysan ayaa weerar bambaano ah ku tuuray baabuur ay wateen ciidamada booliska.

Weerarkaas ayaa waxa kaloo ku dhaawacmay qof rayid ah oo goobta marayay xilligaas.

Mid ka mid ah saraakiisha boolis ayaa dhaawac uu ka soo gaaray madaxda, halka mid kale la sheegay in uu xabadka ka dhaawacmay, mid ka seddaxaadna waxa uu ka dhaawacmay lugta,.

Dhaawacyada ayaa loola cararay isbitaalka sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha ah.

Madaxa booliska gobalka waqooyi bari Phillip Tuimur ayaa sheegay in aysan jirin cid loo qabtay weerrarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay xaley Gaarisa.

Dhacdooyinkan waa kuwa si joogta ah ugu dhacayay dalka Kenya tan iyo bishii October 2010-kii ciidamo Kenya ka socda ay galeen dalka Soomaaliya, si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab.

Jimcihii la soo dhaafay  when Kenyan troops crossed to Somalia to hunt Al-Shabaab militants.

Jimcihii la soo dhaafay  ayaa labo qof ay dhinteen toddobo kalena waa ay ku dhaawacmeen markii qarax bambaano lagu tuuray xerada Dhagaxleey ee gobalka waqooyi bari Kenya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here