Sanduuqa lacagta IMF oo aqoonsaday doowlada Soomaaliya

Sanduuqa lacagta aduunka ee IMF, ayaa aqoonsaday doowlada Soomaaliya mudo kadib 22 sano, oo uu go’naa xiriirkii ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo sanduuqa lacagta aduunka.

Hase yeeshee warbixinta kasoo baxday sanduuqa lacagta aduunka, ayaa lagu sheegay in IMF aysan wax lacag ah deymin doonin Soomaaliya, ilaa iyo inta laga bixinayo daymaha ay hay’

Talaabadan ayaa albaabada u fureysa dalalka deeqda bixiya iyo bangiyada kale ee horu marinta inay soo celiyaan xiriirkii maaliyadeed ee ay Somalia la lahaayeen.
Tan iyo sanadkii la soo dhaafay markii ay Somalia ka baxday ku meel gaarnimada waxaa soo badanayay dowladaha xiriirka la sameynaya Somalia.

Dowladda Mareykankan waxey si rasmi ah u aqoosatay bishii January e sanadkan, iyadoo sheegtay in Dowladda Somalia ay guulo la taaban karo ka gaartay xasilinta dalka iyo ka adkaanshaha Kooxda Al-shabab.

Hay’ada ayaa sheegtay ineey wada shaqayn toos ah la yeelan doonto doowlada Federaalka Soomaaliya, ee uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here