Sanchez & Ozil oo markale xujo aad u adag hor dhigay Arsenal

Sanchez & oZIL ayaa gelaya sannadkii ugu dambeeyey ee qandaraaskooda, labadooduba waxay u sheegeen maamulka Arsenal in mushaar ahaan uu mid kasta u doonayo 350 kun oo ginni si mustaqbalkooda ay ugu hibeeyaan Arsenal.

Hubinta mustaqbalka Alexis Sanchez iyo Mesut Ozil ayaa ah shaqada ugu adag uguna horreysa ee u taalla tababare Arsene Wenger ka dib markii uu saxiixay qandaraas cusub oo uu labada sanno ee soo aadan kusii joogi doono kooxda ka dhisan FLY Emirates Stadium.

Alexis Sanchez wuxuu haatan Arsenal Isbuucii ka qaataa 140 kun oo ginni, halka Ozil uu sidaas oo kale Isbuucii mushaar ahaan u qaato 140 kun oo ginni, balse labadaan xiddig ayaa mid kasta wuxuu maamulka Arsenal ugu sheegay in uusan saxiixi doonin qandaraas cusub oo uu kooxda kusii joogayo haddii aan loo ballan qaadin mushaar dhan 350 kun oo ginni Isbuuc kasta.

28 sanno jirka reer Chile Sanchez ayaa tilmaamay inuu sii joogi doono Arsenal 12ka bilood ee qandaraaskiisa ka harsan inkastoo ay si waalli ah u doonayaan kooxaha Bayern Munich iyo Manchester City.

Dhanka kale, kubadsameeyaha u dhashay dalka Germany Ozil ayaa diiday inuu aqbalo dalab qandaraas kordhin ah oo uu Gunners Isbuucii uga qaadan lahaa 280 kun oo ginni, wuxuuna maamulka kooxda ku xujeeyey in mushaarkiisa todobaadlaha ah la gaarsiiyo 350 kun oo ginni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here