Samuel Eto’o oo laga qafiifiyey ganaaxi 15-ka ciyaarood

Gudiga Fulinta xiriirka kubada cakta dalka Cameroon ee loo soo gaabiyo (Fecafoot) ayaa yareeyey ganaax 15 ciyaarood ahaa oo horay loo saaray kabta dalkaasi Samuel Eto’o iyadoo hada laga dhigay 8 kulan.

Tani ayaa micnaheedu noqonayaa in xidigi hore  Qaarada Africa uu seegi doono afarta kulan ee uu xulka Cameroon ciyaari doono ka hor bisha August.

Go,aanka ayaa waxaa la gaaray saacadihi hore ee Sabtidi shalay aheyd kadib kulan mudo dheer socday oo ay gudigu yeesheen, waxaana taasi ay ka danbesay marki madaxweynaha dalka Cameroon Paul Biya uu weydiistay saraakiisha in ay dib u eegis ku sameeyaan ganaaxa xidiga.


Ganaaxa Eto’o wuxuu ka danbeeyey marki lagu helay danbi ah inuu ka danbeeyey shaqa joojin ay sameeyeen ciyaartooyda xulka qaranka sanadki hore kaasi oo salka ku hayey mushaarka oo mudo bilooyin ah ka maqnaa laacibiinta.

Xulka Cameroon ayaa diiday inuu la cyaaro dalka Algeria ciyaar saaxbtinimo bishi November sababo la xiriira gunooyinki la siin jiray oo lagu giirtay ama dib loogaga dhigay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.