Samuel Eto’o oo garka loo geliyey ganaax dhan 15-ciyaarood

Xiriirka kubada cakta dalka Cameroon ayaa ka ganaaxay 15 ciyaarood oo xulka qaranka ah weeraryahanka la yiraahdo Samuel Eto’o.

Laacibkaan ayaa waxa lagu eedeeyey inuu jabiyey sharuucda iyo sidoo kale muran la xiriiray gunooyinka ciyaaryahanada la siiyo marka ay ciyaarayaan kulamada xulka qaranka gaar ahaan kulanki bishi Novmeber oo ay baajiyeen ciyaar ay la qaadan lahaayeen Morocco.

Sidoo kale waxaa ay ciyaartooyda oo markaasi ka gadoodsanaa gunooyinki la siin jiray oo lagu booday ay baajiyeen kulan kale oo ay la ciyaari lahaayeen dalka Algeria.

Eto’o oo hada ah ah kabtanka xulka qaranka Cameroon ayaa heysta 10 maalmood oo uu racfaan kaga qaadan karo ganaaxa la dul dhigay.

Sidoo kale waxaa laba kulan laga ganaaxay xulka qaranka kabtan ku xigeenka Enoh Eyong, halka laacibka kooxda Tottenham Benoit Assou-Ekotto la ganaaxay lacag dhan $1,980 oo u dhiganta (£1,276).

Go,aankaan ayaa lagu shaaciyey barta internetka ee xiriirka kubada cakta dalka Cameroon.

Xafiiska Wararka Midnimo,  webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com