Samsung oo soo saartay Galaxy S4, haddaba muxuu kaga duwan yahay kii horre Galaxy S3

Shirkadda Samsung ayaa horaantii bishan Maarco, waxa ay ka dhawaajisay in ay soo saartay Mobeelkii la sugaayay waayahan ee Galaxy S4.

Shirkadan oo xarunteeda ay tahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in hadda suuqyada adduunka la dhigay mobeelka Galaxy S4, wuxuu badalay kii ka horreeyay ee Galaxy S3.

Mobeelkan cusub, ayaa noqday Smartphonekii loogu gadashada badnaa ee adduunka muddo lix bil gudaheeda.

Galaxy S4, ayaa aad ugu eg isla moobaylkii horre ee Galaxy S3, iyadoo labada Mobaleel marka aad aragto moodid in waxba aysan ka duwaneenin.

Taleefonkan Galaxy S4 ayaa la dhigay in ka badan 157-shirkadood oo adduunka ku yaalla.

Taleefonkan ayaa qiimihiisa lagu sheegay inta u dhexeysa 200 dollar iyo 300 dollar, laakin waa marka aad ku qaadato qaab kunturaad ah.

Laakin marka uusan kunturaad ahayn waa 600 oo dollar illaa 900 oo dollarka Maraykanka.

Maxa ka mid ah wax yaabaha lagu soo kordhiyay Galaxy S4?

Waxyaabaha lagu soo kordhiyay Galaxy S4, waxaa ka mid ah in iskiriinka ama shaashada oo weyn, bettery dheeraad ah, xawaaraha proseska oo badan, kaamirada oo la kordhiyay, Resolution-ka ama aragtida gudaha oo la kordhiyay iyo waliba Softweerka oo kii ugu dambeeyay android lagu shubay.

Wax yaabaha intaas oo dhan ka sii muhiimsan ayaa lagu sheegay dhinaca softweerka Samsung oo ku soo saa’iday Feature ama farsamooyin cusub oo cajiib ah.

Farsamooyinkaas waxaa ka mid ah

1- Haddii ay dhacdo adigoo ku mashquulsan Video ama filim, aad aado meel kale in uu si toos ah u istaagayo Filinkaas maadama uu garwaaqsaday in aad meel kale ku mashquulsan tahay.

2- Markii aad page akhrisatoama qoraal akhrineyso uma baahnid in aad gacanta ku taabato, ama aad ku dhaqaajiso.

3- Sawirrada ama Video-ga adigoon gacanta mobaylkaku taaban baad badali kartaa , gacanta ayaad ugu ishaareysaa.

4- Marka aad rabto in aad eegto Link ama Folder uma baahnid in aad gacanta ku taabato farta ayaad ku taageysa ama zoom gareenayaa taabashada shaashadda waana uu furmayaa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here