Manchester City waxa ay la kulmeysaa Wigan Athletic ciyaarta FA Cup fiinaalkiisa

Sergio Aguero oo u dabaal dagaya gool u dhaliyay Manchester City
Kooxda Chelsea oo ku talajirtay in ay ku guuleesto koobka FA Cup-ka, balse waxaa rajadaas ceel ku riday kooxda Man City.

Ciyaartii caawa ka dhacday garoonka Wembley ee dalka Ingiriiska ayaa labada koox waxa ay soo bandhigeen ciyaar aad loo jecleestay. waxaana aakhirkii laga badiyay kooxda Chelsea.

Man City ayaa labada gool ay ku badisay waxaa u dhaliyay Samir Nasri iyo Sergio Agüero, laakin kooxda Chelsea waxa ay heshay hal gool, waxaana u dhaliyay weerar yahankooda Demba Ba. laakin goolkaas waxba ma tarin, sidaasna waxaa ciyaarta Fiinalka soo gaaray kooxaha Man City iyo Wigan Athletic.

Dhinaca kale, booliska ayaa xiray 14-qof, kuwaasoo rabshado dhaliyay intii ay socotay ciyaartii Sabtidii shaley ee dhex martay kooxaha Wigan Athletic iyo Millwall.

Dagaal ka qarxay markii laga reebay kooxda Millwall FA Cup-ka
Dagaal ka qarxay markii laga reebay kooxda Millwall FA Cup-ka
Ciyaarta oo ka dhacday garoonka caanka ah Wembley Stadium , waxaa ay ku dhammaatay 2-0 oo ay ku badisay kooxda Wigan Athletic.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here