Shaqaalo ajaanib ah oo ka shaqeeynayay Xerada qaxootiga ee Dhadhab, ayaa waxaa wadada u galay kooxo hubeysan xili ay marayeen meel ku dhow magaalada Garrisa ee gobolka waqooyi bari dalka Kenya.
Samafalayaashan ayaa u shaqeeynayay hay’ada NRC kana diiwaangashan dalka Norway, waxaana ay u kala dhasheen dalalka, Norway, Canada, Pakistan iyo waliba wadanka Philpine.
Wararka qaar waxa ay sheegayaan in xiliga uu afduubka dhacayay ladilay darawalkii gaariga u waday shaqalahaas samafalayasha ahaa, waxana dadka afduubka loo geystay ay gaarayaan ilaa 4 ruux.
Afhayeen u hadlay doowlada Kenya, ayaa sheegay in samafalayaasha la afduubtay ay Garrisa ka amba baxeen, kuna wajahnaayeen xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee isla Kenya.
Al-shabaabka Soomaaliya ka dagaalama aya loo maleeynayaa ineey ka danbeeyaan afduubkan loo geystay shaqaalahaan samafalayaasha ah ee u shaqeynayay hay’ada NRC.
Saraakiil u hadashay Ciidamada Kenya, ayaa waxay sheegeen ineey baaritaano ku samayn doonaan halka lala aaday shaqaalahaas samafalayaasha ah.
Ciidamada Kenya ayaa markii ay gudaha u soo galeen dalka Soomaaliya, waxaa sii kordhayay falalka afduubka ah iyo dilalka ka dhaca gudaha dalka Kenya.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com