Sam Ongeri oo beeniyey eedeynti uu u diray Sheekh Sharif

Wasiirka arrimaha dibada Kenya Sam Ongeri ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war uu dhawaan daabacay wargeyska The Daily Nation ee dalka Kenya kaasi oo sheegay in wasiirka uu ku eedeeyey madaxweyne Sharif Sheekh Axmed qaraxyadi hotel Jazeera.

Shir jaraa,id oo uu ku qabtay magaalada Nairobi ayuu ku sheegat  Prof. Ongeri in warkaasi uusan laheyn sal iyo raad isla markaana ay jariirada ka been abuuratay, isaga oo raali gelina ka bixiyey.

Wuxuu sheegay in Sheekh Shariif uu isaga oo ka xun qaraxi Hotel Jazeera uu ugu yimid isla markaana uu goobta ka kaxeeyey isaga oo aad u walaacsan, sidaasi daraadeedna hadalada laga faafiyey ahaayeen kuwo been ah.

Waxa kale oo uu ku tilmaamay Sheekh Shariif nin geesi ah maadaama uu si sharaf leh ku wareejiyey xilka madaxweynaha Soomaaliya kadib marki loogaga guuleystay doorashada madaxweynaha.

Madaxweyne Sheekh Shariif oo maanta shir jaraa,id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa arintaasi cambaareeyey isaga oo sheegay in ay xumeyn karto calaaqaadka labada dowladood.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here