Salman Rushdie oo mar kale ka hadlay buugi uu ku caayey Islaamka

Qoraaga u dhashay dalka Iran balse heysta dhalashada Ingiriiska Salman Rushdie ayaa mar kale ka hadlay buugiisii uu ku caayey Islaamka sanadki 1988.


Buugaasi oo la magac baxay “The Satanic Verses” ayaa marki la daabacay sababay in ay ka caroodaan Muslimiinta Caalamka taasi oo kaliftay inuu magan galyo weydiisto Ingiriiska oo uu ilaa iyo iminka ku dhuumaleysto.

Wuxuu sheegay in hadii xiligaan lagu soo aadin lahaa ay u keeni laheyd cabsi iyo madax wareer ka daran tii horay usoo martay walina ku jiro.

Qoraagaan ka baxay Diinta Islaamk ayaa sheegay in mamnuucida lagu sameeyey buugiisa dalal badan oo caalamka ah ay ku keentay in noloshiisa ay qatar gasho isla markaana ku kaliftay inuu aduunka cariiri ku galo.

Isaga oo dhiiri gelinaya in dadka wasaqeysan ee Diinta Islaamka wax ka sheega ay tan kaliyah ee ay ku xalin karaan sameynta kasoo gaarto qoraaladooda ay tahay in ay noqdaan geesiyaal.

Muslimiin badan ayaa ka carooday buugi Salman Rushdi waxaana ka mid ah dalalka buugiisa laga mamnuucay walina aanan la geynin dalka India.

Ninkaan cariiriga ku nool ee 65-jirka ah, ayaa wali ku jiro dhuumaaleysi kadib marki hogaamiyaha xaga Diinta ee IRan Ayatollah Khomeini soo saaray fatwo qoorta loogaga jarayo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here