Saldhiga magaalada Kismaayo oo xalay la weeraray

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in xalay saqdi dhexe ay koox hubeysan weerartay saldhiga magaalada.

Weerarka oo ay geysteen Al Shabab ayaa waxa uu ku bilowdya bambooyinka gacanta laga tuuro kadibna waxaa xigay dagaal mudo yar socday oo u dhaxeeyey ciidamada Dowlada ee ilaalada ka hayey saldhiga iyo kooxihi weerarka soo qaaday.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen daryanka rasaasta iyo madaafiicda, iyadoo marki danbana ay xaaladu dagtay.

Wariye ku sugan magaalada Kismaayo ayaa soo sheegay in raga weerarka soo qaaday ay saldhiga kasoo galeen afar meel iyaga oo magaaladana kasoo galay dhinaca jaziiradaha ee xeebta.

Saldhiga Kismaayo ayaa ku yaala dhanka Galbeed, waxaana si xoog leh u ilaaliya ciidamada Dowlada.

Ma jirto ilaa iyo iminka faha faahin laga hayo qasaaraha ka dhashay dagaalki xalay ka dhacay magaalada Kismaayo.

Kismaayo ayaa waxaa maamula ciidamada Dowlada iyo kuw Kenya oo kala wareegay Xarakada Al Shabab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here