Saldhig ciidanka dowlada ku leeyihiin Hurwaa oo la weeraray

Rag hubeysan ayaa xalay weeraray ku qaaday saldhig ay ciidamada dowlada ku leeyihiin degmada Hurwaa ee magaalada Muqdisho.

Weerarka oo dhacay xalay saqdi dhexe ayaa waxa uu ka danbeeyey ka gadaal marki ay Al Shabaab weerar ku qaadeen saldhigaasi, balse saraakiisha ciidanka dowlada ayaa sheegay in ay iska caabiyeen.

Ilo wareedyo madax banaan ayaa xaqiijiyey in iska hor imaadkaasi ay ku dhinteen laba ruux oo laba dhinac ah, inkastoo aysan wali ka hadlin saraakiisha labada dhinac.

Al Shabaab ayaa habeenadi lasoo dhaafay badiyey weerarada ku dhifoo ka dhaqaaqda ah ee ay ku hayaan ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo saldhigyada AMISOM.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.