Salaad Cali Jeelle: Xukumada ha is casisho ama ha qabato dadki ka danbeeyey qaraxi Tiyaatarka

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka codsaday dowlada in ay war cad kasoo saarto dadka lagu tuhmayo qaraxi Tiyaatarka hadii kalana ay istaqaalada soo gudbiso.

Salaad Cali Jeelle oo ka mid ahaa xildhibaanadaasi ayaa u sheegay warbaahinta in ay jirto fashilaad xaga amaanka ah oo ka timid hey’adaha kala duwan ee dowlada, isaga oo si gaar ah u dhaliilay xukuumada.

“Qaraxaasi dowlada iyada ayaa isku tuur tuureysa mas,uuliyadiisa, waxaan ku weynay dad qaali ah sida Saciid Mugaanbe iyo Wiish, marka war cad ayaan ka rabnaa xukuumada hadii kale ha is casisho,” ayuu yiri Salaad.

Qaraxi Tiyaatarka oo todobaadki hore lagu weeraray munaasabad lagu xusayey sanad guuryadi TV-ga Qaranka ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 15 ruux oo isugu jiray rayid iyo mas,uuliyiin ka tirsan dowlada.