Salaad Cali Jeelle: Al Shabab hadii la bixiyo bilicda gabdhaheena xitaa way soo laaban laheyd

Xildhibaan Salaad Cali Jeelle ayaa ku eedeeyey ururka Al Shabab in ay la dagadeen dhamaan horumaro badan oo ay tiigsan lahaayeen umada Soomaaliyeed kadib marki ay nabadi ka hor istaagen buu yiri.

Mr Jeelle oo shalay hadal ka jeediyey munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hadii dalka laga wada xoreyn lahaa Al Shabaab ay soo noqon laheyd bilicda gabdhaha Soomaaliyeed.

“Hadii Al Shabaab laga wada xoreyn lahaa dhamaan dalka waxaa soo noqon lahaa bilicda gabdhaha Soomaaliyeed oo ay la dageen meelaha ay hada maamulaan,” ayuu yiri.

Al Shabaab wuxuu ku eedeeyey in ay daadinayaan dhiiga umada Soomaaliyeed, dhibaato badanna ku hayaan meel kasto oo ka mid ah dalka, xitaa ay saameyntooda gaartay dadka Soomaaliyeed ee ku nool dibada.

Ugu danbeynti wuxuu sheegay sheegay in qorshaha dowlada KMG iyo dalalka ku jira urur goboleedka IGAD in lasoo gaba gabeeyo Al Shabaab bishaan Janaury.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

Comments are closed.