Salaad C. Jeele oo xog dheeraad ah ka bixiyay xildhibaankii is qarxiyay

saalaxGuddoomiyaha Xisbiga Midnimadda iyo Dimuqraadiyaadda, Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay inuu la amakaagay, markii uu maqlay inuu Ex-Xilkdhibaan Saalax Nuux Ismaaciil “Badbaado” ka mid ah Shaqsiyaadkii Alshabaab ee shalay isku qarxiyey Xarunta AMISOM ee magaalladda Muqdisho.

Salaad Cali Jeele ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu maanta siiyey Radio Dalsan, wuxuuna sheegay inuu Saalax Badbaado ku soo biiray Barlamaankii KMG wax yar ka hor inta uusan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ka deign Xilka Madaxweynenimo.

“Saalax Badbaado waxaan isku baranay magaalladda Baydhabo, wuxuuna Booska Xildhibaanimo u banneeyey Nin lagu magacaabo Bilaal oo ay isku jufo ahaayeen” ayuu yiri Saalax Cali Jeelle.

Waxa uu intaasi ku daray inuu Saalax Badbaado waqtigaas u ambabaxay Hargeysa, ka hor inta uusan ka mid noqnin saamiga Xildhibaanaddii Isbahaysigii ARS ee Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ka heleen 275-kii Xildhibaan ee lagu soo doortay Shirkii Jabuuti .

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle waxa uu sheegay inuu Saalax Badbaado muddo kadib isaga tegay xubnnimadii Barlamaanka KMG, kadibna ay mudddo kadib maqleen inuu ku biiray Alshabab.

Mar wax laga weydiiyey sababaha uu Saalax Badbaado ugu biiray Alshabaab waxa uu yiri “Waxa ku kallifay inuu Saalax Badbaado ku biiro Alshabaab ayaan u malaynayaa inay tahay isagoo ahaa Nin musalifay oo ay dhibaatooyin qoys haysteen” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle oo intaasi ku daray in Saalax Badbaado la duufsaday, oo uusan ahayn Nin ku aragti ahaa Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Mar uu ka hadlayey qaabka ay Saalax Nuux Ismaaciil ugu baxday naanaysta “Badbaado” waxa uu tilmaamay inay naanaysta u baxday Xilligii Dowladda Kacaanka oo uu u shaqeyn jirey Wakaalladii Badbaadada Shaqaalaha.

Dhinaca kale, Salaad Cali Jeelle, waxa uu ka dhawaajiyey in qaar ka mid ah Xildhibaanadii Dowladda KMG ay Saalax badbaado arkeen isagoo gaari ku dhex watay Muqdisho, ka hor inta uusan shalay isku qarxinin Xarunta AMISOM ee agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladdan Muqdisho.

Ugu dambeyntii, Salaad Cali Jeelle waxa uu ku baaqay in Baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo sababaha uu isku qarxiyey Saalax Badbaado oo uu ku tilmaamay inuu ahaa Nin aan rumeysnayn Aragtida Alshabaab ee Xag-jirnimadda, Jihaadka iyo Is-qarxintaba, waa sida uu hadalka u yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here