Safiirka Turkiga oo beeniyey eedeymo uu ururka Alshabaab u jeediyey dowlada Turkiga

Shir jaraa’id oo uu maanta xafiiskiisa ku qabtay safiirka dalka Turkiga ee Soomaaliya Kaani Turan ayaa waxa uu ku beeniyey war dhowaan laga baahiyay Idaacadda ku haddasha afka ururka Al-Shabaab ee ahaa in dowladda Turkiga ay Soomaaliya keento Raashiin dhacay.

Safiirka ayaa sheegay in xukuumadiisu   aysan marnaba raali ka ahayn  dhibaateynta walaalahooda Soomaaliyeed waxana uu xusay in sababata ay ugu keeneen gargaarka ay tahay in la badbaadiyo balse aysan marnaba dooneyn in la dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Safiirka ayaa sheegay in mid ka mid ah saraakiisha ururka  Shabaab uu sheegay in dowladda Turkiga ay dadka Soomaaliyeed  u keentay raashiin dhacay, waxa  uu   arrintaasi ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah oo ah war qaldan.

Safiirka ayaa tilmaamay in  hey’adda Bisha Cas ee Turkiga ay raashiin gaarsiisay gobolada koonfureed ee Soomaaliya, isagoo intaa raaciyay in mahad celin ay kala kulmeen dadkii raashiinka la gaarsiiyay.

Safiirku waxa kale oo uu sheegay in la xaqiijiyey   dhammaan raashiinka dowladda Turkiga ay ugu deeqday walaalahooda Soomaaliyeed, dowladda Turkigana ay Soomaaliya ugu soo gurmatay in ay caawiso dadka walaalahooda ah ee ay dhibaatadu ku dhacday.

Danjire  Turan ayaa  ka hadlay xilliga laga yaabo in cuntada ay ku yaboohday dowlad Turkiga dalka Soomaaliya ay dhacaan waxana uu sheegay in raashinka ugu horeeya ay dhacayaan bisha June ee sanadkan  2012ka.