Safiirka Turkiga ee dalka Soomaaliya oo booqday magaalada Garowe

Madaxweynaha Dowladda Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowlada  Turkiga u fadhiya  Soomaaliya Mr. Cemalettin Kani Torun.

Madaxweyne C/man Farole iyo Mr Cemalettin Kani ayaa kulan albaabada u xirnaa ku yeeshay xarunta madaxtoyada Puntland ee magaalada Garowe iyagoo ka wada hadlay sidii dowlada Turkiga ay mashaariicda horumarineed ee ay ka wado dalka Soomaaliya u soo gaarsiin lahayd maamul goboleedka Puntland.

Kulankan kadib ayaa madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/man Faroole waxa uu u mahadceliyey dowlada Turkiga howlaha horumarinta ah ee ay ka wado dalka Soomaaliya waxana uu ka sheekeeyey taariiqdii hore iyo xiriirkii hore ee ka dhexeyn jirey Turkiga iyo dalka Soomaaliya.

Safiirka Turkiga oo isna ka hadlay shir Jaraa’id oo kulanka kadib la qabtay ayaa sheegay in aysan dowlada Turkigu horumarinta aysan ku ekeyn doonin magaalada Muqdisho balse guud ahaan dalka Soomaaliya ay gacan siin doonaan sidii horumar loo gaarsiin lahaa.

Dhowaan ayaa dowlada Turkigu sheegtay in ay wax ka qaban doonto sidii loo dayactiri lahaa garoonka dayuuradaha magaalada Gaalkacyo iyo wadada dheer ee isku xirta magaalda Gaalkacyo iyo Garowe.

Safiirka Turkiga ayaa ahayd markii ugu horeysey ee uu booqdo magaalada Garowe waxana uu dhowaan booqasho ku tegey magaalada Hargeysa halkaa oo uu kula soo kulmay madaxda maamulka la magac baxay Somaliland.