Safiirka Soomaaliya u fadhiya Yurub oo warqadaha aqoonsiga laga gudomay

downloadSafiirka Soomaaliya u fadhin doona Mdowga Yurub, ayaa waxaa laga gudoomay warqadihiisa aqoonsiga.

Madaxweynaha golaha Midowga Yurub Mr Herman VAN ROMPUY ayaa markii ugu horreysay ka guddoomay Warqadihiisa aqoonsi ee danjirimo safiirka Soomaaliya u soo magacaawday Midowga Yurub Danjire Ali Saciid Faqi.

Madaxweynaha Midowga Yurub Mr. Herman VAN ROMPUY ayaa qaaillay Danjite Cali Saciid Fiqi, waxa ayna ka wada-hadlleen xaaladda Soomaaliya ee dhanka siyaasadda, sidoo kale waxaa la isku soo qaaday sidii looga wada shaqeyn lahaa taageerada Soomaaliya ee wadamada Yurub, dowladda Soomaaliyana ay kaalinteeda qaadato.

Danjiraha Ayaa u mahadceliyay kaalinta ay midowga yurub ee ka qaateen geedi u socodka nabadda Soomaaliya iyo marti soorka ay u sameeyeen qaxootiga Soomaaliyeed ku dhaqan, qaarada yurub isagoo intaasi raaciyay in safiirku uu balan qaaday in uu sii wadi doono xoojinta xiriira iyo iskaashiga ka dhexeeya midowga yurub iyo dowlada federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here