Safiirka Somalia u fadhiya Kenya oo dhaawacmay

Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ku dhaawacmay shil baabuur xalay kadib marki uu gaarigiisa hardiyey baabuur kale gudaha magaalada Nairobi.

Sida wararku sheegayaan Safiirka oo gacantiisa ku watay gaari ayaa intii uu marayay wadada hor marta Madaxtooyada ee State House-ka uu ku dhacay gaari kale oo xowli ku socday.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Safiirku soo gaaray dhaawacyo qaarka kale ee jirkiisa ah iyo jab la sheegay in lugtiisa midig ay soo gaartay, taasoo keentay in qaliin lagu sameyn doono.

Dhaqaatiirta Nairobi Hospital oo ah halka la dhigay Safiirka ayaa sheegay in xaalada safiirku ay soo wanaagsanaaneyso, ha yeeshee waxaa dhaqaatiirta ay ka gaabsadeen inay ka hadleen xaalada dhabta ah.

Gaariga Safiirka ayaa bur bur xoogan ku yimid, iyadoo dad soo arkay gaariga ay sheegeen inuu ahaa gaariga mid aan la qiyaasi karin bur burka soo gaaray.

Dad fara badan Soomaali ah oo ay ku jiraan siyaasiyiin, saraakiil iyo dad kale ayaa ku booqday Isbitaalka Safiirka Soomaaliya ee Kenya Mr Ameerika.

Shilkan gaari ayaa noqonaya kii u horeeyay ee safiirku dhaawac ka soo gaaro, waxaana arrintan ku soo aadeysa xilli wadooyinka magaalada Nairobi ay yihiin mid mashquul badan, isla markaana ay ku soo kordhayeen shilalka gaari.