Safiirka Somalia ee Zambia oo ka hadlay xeritaanka safaarada

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Zambia Shirwac Ibraahim ayaa ka warbixiyey muran ka dhashay xarig loo geystay safaarada Soomaaliya ay ku leedahay caasimada Lusaka ee dalkaasi.

Booliska magaalada Lusaka ayaa albaabada isugu dhiftay Jimcihi lasoo dhaafay xarunta safaarada kadib marki ay isku dhaceen safiirka iyo nin sheegtay inuu yahay safiirka cusub ee safaarada.

“Waa xaalad ceeb iyo yax yax ah in safaarada lagu xiro is qab qabsi iyo kala duwanaasho dhaxdeena ah, safaaradan dhibaato ayey kala kulmeysay labadi sano ee lasoo dhaafay koox isku magacawday (Ururuka Isku xirka Soomaaliya iyo Zambia) kuwaasi xaalada qasaya si sharci darra ah, waxay rabaan in ay la wareegaan safaarada, hada waxay soo direen nin sheeganaya safiir iyaga oo doonaya in ay ku fushadaan dano xaga ganacsiga ah,” ayuu yiri Shirwac Maxamed safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Zambia.

Mr Shirwac oo xafiiska la wareegay sadex bilood ka hor ayaa sheegay in kooxdaasi ay isugu jiraan ganacsato iyo dad kale oo odayaal ah oo isu baheystay in ay danahooda gaarka ah ugu fushadaan gaar ahaan ganacsigooda iyaga oo adeegsanaya buu yiri laaluush.

Waxa uu cambaareyn dusha uga tuuray dowlada Zambia oo uu ku eedeeyey in ay hurineyso qaska ka taagan safaadarada, isla markaana ay Soomaali ku sugan Lusaka ay laaluush siiyeen qaar ka mid ah hey’adaha dowlada si safaarada loo xiro buuqana uu usii bato.

Wali wax war ah kama aysan soo saarin arrintaan wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya, sidoo kalana dowlada Zambia wax jawaab ah kama aysan bixin eedeymaha loo soo jeediyey.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.