Safiirka Kenya oo ka warbixiyay gargaar la gaarsiiyay Qaxooti

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Ameerika ayaa warbixin ka bixiyay gargaar isugu jiray raashin iyo dawooyin ay soo gaarsiiyeen qaxootiga  Soomaaliyeed Dowladda Kuweyt oo laga qeybiyay xerada dhadhaab.

Ambassadorka ayaa sheegay in Dowladda Kuweyt gargaar dhan 90 Kun oo tan ay soo gaarsiyeen Qaxootigraashin dhan 90-kun oo tan gaarsiiyey qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xerada Dhadhaab ee dalka Soomaaliyeed ee ku jira xerada dhadhaab ee dalka Kenya.

Wuxuuna ugu mahad celiyay safiirka Dowladda Kuweyt taageerada ay shacabka Soomaaliyeed la garab taagan yihiin, sidoo kalena waxaa uu safiirka uu tilmaamay in wadamo kale oo saaxiib la ah Soomaaliya ay soo gaarsiiyeen qaxootiga Soomaaliyeed gargaar bini’aadanimo.

Danjiraha ayaa dhinaca kale ka warbixiyey howlo kale oo wax looga qabaayey dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada oo halkaasi laga fuliyey si loo xoojiyo taageerada ay u baahan yihiin qaxootiga Soomaaliyeed.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa isu xil qaamtay sidii wax looga qaban lahaa xaaladda adag ee ay ku sugan yihiin Soomaalida Qaxootiga ku ah dalka Kenya, iyadoo mar walba xoogga saarta caawin dadka dhibaateysan ee ku jira xeryaha qaxootiga.

Xafiiska Wararka ee Midnimo.com