Safiir Axmed Cawad oo sharaxay Soomaalida laga soo tarxiilay Mareeykanka

Safaarada Soomaaliya ee Washington
Safaarada Soomaaliya ee Washington

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Maraykanka ayaa sharraxaad ka bixisey 50 dhalinyaro Soomaali ah oo la tarxiilay dalka Mareykanka oo shaley lagu celiyey Muqdisho.

Safiirka Soomaaliya ee wadanka Mareykanka, ayaa VOA u sheegay in 50 qof oo Soomaali ah laga dajiyey Muqdisho isagoo sheegay in ay yihiin tiradii labaad oo bishan gudaheeda laga soo tarxiilay Mareykanka.

“Waa 50 qof oo 30 ka mid ah ay yihiin kuwa ku eedeesnaa dambiyo iyo 20 kale oo loo diiday codsi mangalyodoon ah,” ayuu yiri.

Safiirka ayaa beeniyey wararka sheegaya in ay mas’uul ka ahaayeen dadkan in dib loogu soo celiyo Soomaaliya ama dhaqaale lagu soo celiyey sidii Soomaaliya loogu soo tarxiili lahaa.

Waa qeybtii afaraad oo ah Soomaali laga soo tarxiilay Mareykanka oo dib Muqdisho loo soo celiyey tan iyo markii uu xafiiska qabtay madaxweyne Trump.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here