Safiir Ameeriko oo maanta shaqadiisa ku laabtay iyo Safiir u hanqal taagaya.

Waxaa maanta si rasmi ah shaqadiisa dib u bilaabay Ambassadoor Maxamed Cali Ameeriko oo kadib dhaawac bishii hore kasoo gaaray gaarigiisa oo shil ku galay bartamaha magaalada Nairobi, waxaana tallaabadaasi uu maanta uu ku bilaabay shaqadiisa soo dhoweeyay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku sugan magaalada Nairobi.

Dhanka kale Danjiraha Soomaaliya ee Tansaaniya Cabdixakiin Ugaas Cali ayaa magaalada Nairobi ku wareejinayo qoraalo iyo hadalo uu ku sheegayo inuu yahay safiirka Soomaaliya ee Kenya, isagoo laga soo xigtay in uu sheegay in Madaxweynaha Dowladda KMG ku wargeliyay inuu dhaawacan yahay Safiir Maxamed Cali Ameeriko, isala markaana wax shaqo ah qaban karin, sidaasi darteedna isku maamuli doono Labada Safaaradood.
 
Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Nairobi way howlo badan tahay, waxaa ka shaqeeya dad dhalinyaro ah oo isku xiran isla markaana si daacad ah ugu adeega dadka soomaaliyed ee Kenya ku dhaqan.
 
Ninkan diblomaasiga ah ee horey looga soo eryay dalka Liibiya xilligii Dowladdii Col Qadaafi kadib markii lagu eedeeyay inuu wax is daba mariyay isla markaana uu iibsaday dhalinyaro soomaaliyed ayaa hadda waxaa uu Safiir ka yahay Safaaradda Soomaaliya ku leedahay dalka Tanzania.
 
Isla waxyaabihii lagu eedeeyay xilligii uu Liibiya joogay waxaa ka mid ah isagoo qof kasta oo ku xiran Xabsiyada dalka Tanzania si loo soo daayo ka qaata lacag dhan 500 Dollar ama lacag ku dhaw ilaa iyo 1000 Dollar sida ay inoo xaqiijiyeen dad degan Tanzania.
 
Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda KMG ah ayaa looga baaqay inuu talaabo ka qaado Safiir C/xakiin Ugaas oo ka ganacsada dadka Soomaaliyed taas oo sharaf dhac ku ah sumcada Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.
 
Booliska Tanzania iyo C/xakiin waxaa ka dhaxeeya wada shaqeyn ku saabsan inuu Soomaalida lacagta ugu soo qaado sida uu cadeeyay Maxamed Cumar Cali oo degan dalka Tanzania.