Safaaradda Soomaaliya ee Sudan oo Hambalyo u Dirtay Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ( Daawo Sawirro )

Isla markii uu gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu ku dhawaaqay Natiijada rasmiga ah ee Wareegii Sadaxaad ee Doorashada Soomaaliya ayaa waxaa Xarunta Safaarada Soomaaliya ee Sudan kulan aan horay loo sii diyaarin ama loogu sii talagalin isugu yimid Madaxda Safaarada Jamhuuriyada Fadaraalka ah ee Soomaaliya, Xubno ka mid ah Jaaliyada, Aqoonyahanno iyo Ardayda Soomaaliyeed ee Sudan kuwaasoo dhamaantood aygoon is ogeey si shaqsi-shaqsi ah u soo gaaray Xarunta Safaarada Jamhuuriyada Fadaraalka ah ee Soomaaliya si ay ugu hambalyeeyaan Madaxweeynaha Jamhuuriyada Fadaraalka ah ee xalay la doortay Mudane Madaxweeyne Prof: Xasan Shiikh Maxamuud.

Kulanka oo ahaa mid aan horay loogu sii tala galin ayee xubnuhu si is daba joog ah u soo gaarayeen Xarunta Safaarada, maadaama Safiirka Soomaaliya ee Sudan Mudane Max’ed C/llaahi Ugaas Faarax uu Safar ugu maqanyahay Dalka hooyo waxaa Xubnihii Safaarada soo gaaray la hadlay Madaxda Safaarada Soomaaliya ee Sudan gaar ahaan Qunsulka Soomaaliya Mudane Ibraahim Guure Maxamed iyo Madaxa Xafiiska Hidaha iyo Tacliimta Sare ee Safaarada Jamhuuriyada Fadaraalka ah ee Soomaaliya Mudane C/qaadir Maxamuud Cali “Guulane” waxeeyna labaduba u mahad celiyeen Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Goor habeen ah qiiradooda wadaninimo ay ku soo qasabtay in ay soo Abaaraan Safaaradooda si ay Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed ula wadaagaan Farxadaan Taariikhiga ah.

Sidoo kale waxaa madasha ka hadlay Qaar ka mid ah Muwaadiniintii Soomaaliyeed ee soo gaaray Safaarada Soomaaliya ee Sudan waxeeyna dhamaantood ka simnaayeen u hambalyeenta Madaxweeynaha Jamhuuriyada Fadaraalka ah ee Soomaaliya Mudane Prof, Xasan Shiikh Maxamuud waxa ayna u rajeeyeen guul iyo in Alle uu la garab galo Xilka Culus ee loo doortay.

Dhanka kale Muwadiniintii xalay tagtay Safaarada Soomaaliya ayaa u hambalyeeyay una Mahad Celiyay Madaxdii Doowladii hore ee Ku Meel Gaarka aheeyd gaar ahaan Madaxweeyne Shariif Shiikh Axmed ayagoo dhamaantood isku raacay wax qabadkiisii iyo horu markii uu sameeyay ama uu gaarsiiyay Shacabka Soomaaliyeed intiii ay talada haayeen ayana Taariikhdu waligeed Xusi doonto arintaas.

Xubnihii Xalay Xarunta Safaarada Soomaaliya ee Sudan ayagoon is ogeeyn isugu yimid oo aad u badnaa ayaa waxaa ka mid ahaa Dr. Max’ed-Rashiid Sh. C/Samad, Ustaad Saalax Sh. Ibraahim Dhiblaawe, Gudoomiyaha Shirkada Dahab Shiil ee Sudan Mudane Axmed C/rixmaan Sh. Bashiir, Wakiilka Shirkadda Mustaqbal Saalax C/llaahi Mire, Gudoomiyihii hore ee Ardayda Ajaanibta ah ee Jamacadda Shandi ee Sudan Dr Faysal Max’ed Qaasim Cali, Ustaad Aadam Sh. Xasan “Azhari”, Gudoomiyaha Ururka Baraarujinta iyo Hanuunita Dhalinyarada Soomaaliyeed Mudane C/wali Xasan Xuseen “Fadiilatuhu”, Gudoomiyihii Hore ee Midawga Ardayda Soomaaliyeed ee Sudan Axmed Cabdi Max’ed “Furre”, Gudoomiyaha Kulanka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Sudan Yuusuf Cali Max’ed, G/ ku Xigeenka Ururka Wadaniga ah ee Jiilka Cusub ee Soomaaliyeed Max’ed Ismaaciil Cumar “Khatam”, Gudoomiyaha Xilka ka dagay ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Sudan Ustaad Max’ed C/wali Yuusuf “Otaanga”, Mudane C/fitaax Faahiye, Fiidoow Max’ed Fiidoow, C/llaahi Axmed Siyaad “Illaal, Bashiir Shiikh Camuu iyo Xubna kaloo fara badan waxeeyna dhamaan Xubnahaani u Hambalyeeyeen Madaxweeynaha Jamhuuriyada Fadaraalka ah ee Soomaaliya Mudane Prof; Xasan Shiikh Maxamuud waxeeyna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen in si wada jir ah loo taageero Doowladeena lana wada ilaalsado horumarka iyo hana qaadka lagu tilaabsaday.

Isku Soo wada Duuboo Jaaliyada iyo Ardayada Soomaaliyeed ee Sudan ayaa Shalay Barqadii ilaa Xalay intii looga dhawaaqayay Natiijada Doorashada waxa ay ku hoowlanaayeen dawashada Taleefishinada Soomaaliya oo si toos ah ay uga soconaayeen Doorashada Madaxweeynaha Soomaaliya,waxaana xusid mudan in Markii lagu dhawaaqay natiijada Doorashada ay Xafadaha Soomaalidu dagto ee Khartoum mar qura uu sacabka iyo Mashraxadu is qabsadeen taasoo ay is weeydiiyeen dadka Sudanta ah ee dalkaan ayagoo markii ay ogaadeenna u Hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed.

Max’ed Ismaaciil Sh. Cumar “Khatami”

Khartoum-Sudan

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here