Safaaradda Soomaaliya ee Roma oo xalisay dhibaatooyinka fara badan

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Talyaaniga ayaa soo dhoweysay howsha ballaaran ee Safaaradda Soomaaliyeed ee ay u fuliso xili walbo, waxayna si gaar ah ugu mahad celiyeen Garyaqaanka Safaaradda Avvocato Cali Abuukar Xaayow (Cali Marduuf) oo dhawaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo qaab tahriib ahaan u soo galay Talyaaniga, ku taageeray aqoontiisa Garyaqaanimada.

Dr. Maxamed Cusmaan Kuulow oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee dalka Talyaaniga ku noolaa mudo ka badan 30 sano, kana tirsan guddiga sare ee Jaaliyadda ayaa sheegay in Garyaqaanka Guud ee Safaaradda in uu ku guuleystay sidii qoysas Soomaaliyeed oo dhibaato ku heysata Talyaaniga looga saacidi lahaa dhinaca sharciga iyo wax ka qabashada dhibaatada heysata.

Sidoo kale wuxuu sheegay Dr. Maxamed Cusmaan in dhalinyaro Soomaaliyeed oo siyaabo kala duwan ugu jiray xabsiyada Talyaaniga in Garyaqaanka guud ee Safaaradda inuu ku guuleystay inuu xabsiyada ka soo saaro dhalinyaradaasi in mudo ah ku jiray, kuwaasi oo loo heystay dambiyo kala duwan.

Avvovato Calu Marduuf ayaa mudooyinkan wuxuu ku howlanaa sidii qoysas Soomaaliyeed oo caruurtooda laga qaatay dib loogu soo celin lahaa, isagoo horay ugu guuleystay inuu qoysas Soomaaliyeed oo caruurtooda laga kaxeystay dib ugu soo celiyo.

Inkastoo Qosyaska Soomaaliyeed sabahaha looga kaxeysto caruurtooda ay tahay eedeymo ka yimaado hey’addaha xannaaneynta iyo kuwa iskuuladda oo dabagal ku sameeyo nolosha caruurta.

Avvocato Cali Marduuf ayaa ku baraarujiyay qoysaska Soomaaliyeed in ay kasoo baxaan waajibaadka waalidnimo iyo xannaanada xilka ka saaran caruurtooda, hadii waalidka uu dayaco ubadkiisana waxaa imaaneysa in la kaxeysto caruurta.

Dhanka kale wuxuu Garyaqaanka Safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga soo dhoweeyay booqashada Wasiirka arrimaha dibada Talyaaniga uu ku tegay Muqdisho, isagoo ku tilmaamay iney tahay bilowga wado cusub oo dib u soo nooleyneyso xiriirkii soo jireenka ahaa ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, isla markaana loo baahan yahay in lagu baraarugo xiliga cusub iyo ka faa’iideysiga xiriirka labada dal.

Avvocato Cali Marduuf ayaa waxaa uu ka mid yahay Macallimiinta culuunta Sharciga wax ka dhigta Jaamacadda Lassabiense ee magaalada Roma.

Allaha u naxariistee sii hayihii Safaaradda Soomaaliya ee Roma iyo Cali Marduuf ayaa waxaa lagu xasuustaa kaalintii wax ku oolka aheyd ee dhalinyaradii ku dhimatay badda u dhaxeysa Liibiya iyo Talyaaniga meydkooda uu ka shaqeeyay in lagu aaso qabuuro ku yaala magaalada Roma.

1 COMMENT

  1. avvocato ali marduf aad baan ugu hambalyeynayaa uguna mahad celinayaa kaalinkiisa garyaqaanimo ee uu hayo bulshada somaliyeeed ee ku nool italy. waxxaanarajeynayaa aqoonyahaniinta kaloo soomaliyeed in aay cilmigooda bulshada uga faa,iideeyaan dhankastaba ha ahaatee

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here