Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo bilowday iney afuriso Qaxootiga Soomaalida

Safaarada Soomaaliyeed ee Dalka Kenya ayaa bishaan barakeysan awgeeyd si rasmi ah u bilowday olole balaaran oo lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ee xeryaha Qaxootiga ku jira ee Dalka Kenya gaar ahaan Xeryaha Dhadhaab iyo Soomaalida kale ee ku dhiban Magaalooyinka waawayn ee dalkaasi Sida magaala -madaxda Nairobi.

Safiirka Soomaliya ee dalka Kenya Ambassadoor Mohamed Cali Nuur(Americo) oo u waramay warbahinta Soomalida ayaa sheegay in ay hatan isku dubarideen ayna soo ururiyeen Cunto iyo Timir maadaama lagu guda jiro bishii barakaysaneeyd ee Ramadaan oo ah bil raxmad iyo khery badan loona baahanyahay inay muslimiintu iskaalmeeyaan ayna is gargaaraan si ay u helaan liibaan aduun iyo mid akhiro labadaba,wuxuuna sheegay in ay rajaynayaan in ay dhowaan geeyaan xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma.oo ay ka buuxaan kumanaan dad ah oo soomaliyeed una baahan gargaar deg deg ah.

Safiirka ayaa waxaa uu intaasi sii raaciayay oo uu sheegay in deeqda ay dhowaan gayn doonaan xeryaha dhadhaab ay isugu jirto deeqo ay soo ururiyeen Soomaalida Jaaliyada ah ee ku kala nool Kenya iyo dalal kale iyo sidoo kale Qaar ay Safaaradu iibisay.oo ay jebkeedda ka bixisay uguna tabarucday dadka soomaliyeed ee ay masuulka ka tahay.

Mohamed Cali Nuur (America) ayaa ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool gudha Magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa ee aan weli ka qaybqaadan arimahaan raashinka iyo timirta ah ee loo ururinayo Qaxootiga Soomaaliyeed in ay isa soo xilqaamaan oo ay soo gargaaraan wallaalahooda dhibban ee ay wax ka caawiyaan maadaama lagu guda jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan.

Dhinaca kale Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya oo ka mid ah Safaaradaha ugu shaqada badan ee Soomaaliya ee ay dalalka Dibada ku leedahay ayaa si joogta ah marwalba u samaysaa Soomaalida xeryaha qaxootiga ku jira ee Dhadhaab iyo Kaakumo wax qabad muuqdda oo la xiriira dhinaca kaalmadda biniaadnimadda iyo arimaha bulshadda sida wax barashadda iyo caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here