Safaaradda Nederland ee Nairobi oo beenisay in dib loo celinayo dad Soomaaliyeed.

Safiirka Dowladda KMG u fadhiya dalka Kenya Ambassador Maxamed Cali Ameeriko ayaa kulan la yeeshay mas’uuliyiinta ugu sareysa safaarada Nederland ay ku leedahay magaalada Nairobi, waxayna labada dhinac ka wada hadleen arimo maalmahan la isla dhex marayay oo sheegayay in dib u celin Nederland ay ku sameyneyso qaxooti Soomaaliyeed oo sharci la’aan ah.

Maxamed Cali Ameeriko wuxuu sheegay in Safaaradda Nederland ay ku leedahay Kenya mas’uuliyiintooda ay ka wada hadleen warar maalmahan warbaahinta ay shaacisay, isla markaana ay beenisay Safaaradda Holland wararkaasi, wuxuuna sheegay in aysan jirin qaxooti Soomaaliyeed oo ku nool Nederland oo dib loogu celinayo Soomaaliya.

“Waxaan ka dhiidhiyay Qaxooti Soomaaliyeed oo dib loogu soo celinayo Soomaaliya, waxaana la xiriiray Safaaradda Holland ay ku leedahay Kenya, anigoo rabay inaan u sheego inaan lagu soo celin karin Kenya ama Soomaaliya dad qaxooti ah, waayo meel ay ku soo noqdaan ma jirto” ayuu yiri Safiir Ameeriko oo intaa raaciyay in Safaaradda ay beenisay wararkaasi.

“Mas’uuliyiintii aan la kulmay waxay ii sheegeen ineysan jirin dad Qaxooti ah oo dib loogu soo celinayo Kenya ama Soomaaliya, laakiin dadkii danbi gala ee wax cad lagu helo waa qasab in dib loo soo celiyo” ayuu yiri Safiirka oo sheegay in xiligan aysan jirin cid dib loo soo celinayo.

Maxamed Cali Ameeriko wuxuu sheegay in aysan jirin heshiis ay wada gaareen Dowladda KMG iyo Nederland oo ku saabsan qaxooti Soomaaliyeed oo dib loogu celiyo Soomaaliya.

Kulankan uu Safiir Ameeriko la yeeshay Safaaradda Holland ay ku leedahay Nederland ayaa yimid kadib markii cabashooyin iyo qeyla dhaan ay muujiyeen dad Soomaaliyeed oo ku nool Holland, kuwaasi oo ka soo horjeeday in dib loogu celiyo Soomaaliya xiligan.

Laakiin War ay baahiyeen TV-yada Nederland ayaa lagu sheegay in Wasaaradda dadka magangelyo doonka ku shaqada leh iyo maxkamadda gobolka Goroningen go’aan kasoo baxay lagu sheegay in dib loo celin doono dad Soomaaliyeed, iyadoo arintaasna ay ka wada hadleen xubno ka tirsan DKMG.

Ali Muhiaddin Ali
Utrecht, Nederland
Muxiyaddiin@hotmail.com