Safaarada Turkiga ee Muqdisho oo la wareegtay maamulka NGO-yadii Gulen

13767344_885716574865680_250047692916367059_oSafaaradda Turkiga Ee Somalia Ayaa Waxay La Wareegtay Maamulka Iyo Maaraynta NGO-yadii Iyo Hay’adihii Sida Cusbitaaladii Iyo Iskooladii Ay Dowlada Somalia Amartay In La Xero ,Kuwaasoo Lala Xeriiriyey Wadaadka Lagu Magacaabo ‪Fetxullah_Gulen‬ Oo Ay Dowladda Turkigu Ku Eedaysay Inuu Ka Dambeeyey Inqilaabkii Dhicisoobay Ee 15 kii Bishan Ay Qaar Ka Tirsan Ciidamada Dalkaasi isku Dayeen in Ay Talada Dalkaasi Kula Wareegaan.

Hay’daha hoostaga wadaadkan ayaa maamulayay 3 Iskuul oo ku yaal Muqdisho iyo hal isbitaal, waxaana hada si rasmi ah ula wareegay dhamaan howlihii ay qaban jireen safaarada uu Turkiga ku leeyahay Muqdisho, islamarkaasina buuxin doonta dhamaan howlihii ay bulshada u haayeen.

Arrintaan ayaa ka danbeysay kadib markii dowladda Somalia ay amrtay in Turkida ka shaqeynaysay hay’addaha lala xiriiray Imam Fethulah Gulen ay dalka ka baxaan.

Haddaba, waxaa soo baxaya in ka bixista shaqaalahan ay saameyn ku yeelanayso bukaannadii ku xirnaa cibistaalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here