Safaarada Turkiga ee Muqdisho oo ka warbixisay Shirka Somalida ee Istanbul

Iyadoo dhawaan lagu wado in dalka Turkiga lagu qabto Shirweyne loogaga hadli doono arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa galabta faah faahin ka bixiyey safaarada Turkiga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho.

Dowladda Turkiga oo iminka saameyn ku leh Dalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisey Shirka ay horey ugu balan qaadeen inay dalkeeda ugu qabanayaan qeybaha siyaasadda ee dalka Soomaaliya kaasi oo ay balan qaadeen intii lagu guda jirey Shirkii London ee dhacay bishii Febuary.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Kamaludiin Turan oo wariyaasha kula hadlay xarunta saxaafada ayaa sheegay in dowladiisu ay rajo ka qabto in Shirka Turkiga ee Soomaaliya uu go,aan ka gaari doono xalki ugu danbeeyey ee dhibaatada Soomaaliya.

Shirka oo ka dhici doono magaalada Istanbul ayaa lagu wadaa in lagu dhameystiro go,aanadi kasoo baxay shirki London ee bishi Febraury ee sanadkaan, waxaana lagu casuumayaa dhinacyada siyaasada iyo bulshada Soomaaliya.

Sida uu Mr Turan sheegay shirkan kaliyah xooga ma saari doono ka qeybgalkiisa kooxaha siyaasada, ee waxaa door fiican ka ciyaari doona dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

“Inagu waxaau diiradda saareynaa Ahmiyadda ka qeybgalayaasha shirka waxaana ka qeyb geli doona Haweenka,Dhalinyarada, Aqoonyahanada inta waxgaradka si arintu ay u noqoto mid ahmiyad gooni ah leh oo beesha caalamkuna si xushmad leh u aqbalayaan” ayuu raaciyey safiirka.

Dowlada Turkiga ayaa saameyn weyn ku leh Soomaaliya, waxaana haatan ay ka wadaa mashaariic horumarineed oo ay ku dhiseyso qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.