Safaarada Soomaaliya ee Zambiya oo albaabada la isugu dhuftay

Booliska dalka Zambia ayaa xiray Jimcihi lasoo dhaafay safaarada ay Soomaaliya ku laheyd magaalada Lusaka kadib marki ay isku dhaceen safiirki hore iyo safiirka cusub.

Safiirka cusub oo ay dhawaan wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya u magacawday ayaa gaaray safaarada isaga oo aanan la socodsiinin safiirki hore oo lagu magacaabo  Shirwac Ibraahim.

Warbaahinta dalka Zambia ayaa sheegaya in uu jiray is qab qabsi xoog leh iyo muran dhex maray labada dhinac taasi oo keentay in booliska ay soo fara geliyaan kadibna xiraan.

Afhayeen u hadlay booliska Zambia oo lagu magacaabo Elizabeth Kanjela ayaa sheegay in xaalada iyo xalka safaarada Soomaaliya iyo sii shaqeynteedaba ay iminka gacanta ugu jirto wasaarada arrimaha dibada Zambia.

Safaarada Soomaaliya ee Zambiya ayaa ku taala xaafada ugu bilicda fiican caasimada Lusaka ee Kabulonga, telfoonadi safaaradana waxaa lagu xiray kan dowlada oo hadii la waco si toos ah ayuu meel kale uga dhacayaa.

Ma jirto wax war ah oo ay wali kasoo saartay wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya is qab qabsida iyo xariga loo geystay safaaradi Soomaaliya ee Zambia.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.