Safaarada Soomaaliya ee Washington oo xaqiijisay dib usoo celinta Soomaali weysay dib u dejin

Safaarada Soomaaliya ee Washington
Safaarada Soomaaliya ee Washington

Safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka Ambassador Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay dhalinyaro Soomaaliyeed oo dowladda Mareykanka ay udiiday in ay dib udejin uga sameyso dalkaasi.

Waxa uu sheegay in safaarada Soomaalida ay ka warheyso hase ahaatee aysan jirin in safaarada ay ku lug leedahay in dalkooda dib loogu soo celiyo loona diido dalka Mareykanka.

Safiirka ayaa sheegay in dadka loo diiday dib udejinta ay tiradooda udhaxeyso 20 ilaa 40 qof.

Dowladda Mareykanka ayaa hada waxa ay Maxkamadeyneysaa 3 Dhalinyaro Soomaaliyeed ah kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ku biiri rabeen ururka Daacish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here