Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya oo wado dadaal ay hey’adaha dib ugu celineyso xeryaha Dhadhaab

Safaarada Soomaaliya ee magaalada Nairobi ayaa wado dadaal ay ku dooneyso in ay dib ugu laabtaan hey’adaha gargaarka xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab oo ay uga tageen amaan darri.

Maxamed Cali Ameeriko oo ah safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa sheegay in ay kala hadleen hey’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay iyo dowlada Kenya sidi ay dib ugu laaban lahaayeen maadaama ay dad badan ay quudin jireen maalin kasta.

“Arintaan marki aan maqlay waan dacwooday waana la hadlay UNHCR, laakin wali halki ay taagantahay oo wali ma tagin hey’adaha, dowlada Kenya sugitaanka amniga waan kala hadlay waxaana dhahay boolis badan meesha hala geeyo, waxaan kale oo aan u sheegay in aan ka xumahay dadki booliska ahaa ee meesha lagu dilay,” ayuu yiri.

Mr Ameerico ayaa dhanka kale dadka Soomaalida ah ee ku jiro xeryaha qaxootiga dalka Kenya ugu baaqay in ay ay iska qabtan dadka qas wadayaasha ah ee ku dhex dhuumaaleysanaya.

Bilooyinki ugu danbeeyey ayaa waxaa ka jiray xeryaha qaxootiga Dhadhaab oo ay ku jiraan dad ka badan nus malyuun ruux oo u badan Soomaali qaraxyo lagu dilay askar Kenyan ah, taasi waxay sababatay in ay isaga baxaan halkaasi shaqaalaaha gagraagraka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.