Safaarada Mareeykanka: “Mahad Salaad waxaa doortay Qaraabadiisa & Ilaaladiisa”

mahad salaadQoraal ay Safaaradda Maraykanka ee Somalia u dirtay Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu soo hadal-qaaday in ay Safaaraddu fahamsan tahay in Musharax Mahad Salaad oo ah Wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda Xukuumadda Federalka uu bedelay Liiska Ergadda Sharcga ee Beesha Cayr, kuna bedeshay Liiska Qaraabadiisa, Shaqaalihiisa iyo Ilaaladiisa, iyadoo Haweeneydii la tartami lahayd loo diiday Hoolka Doorashadda.

Qoraalka Safaaradda Maraykanka ee Somalia waxaa kaloo walaac looga muujisay Tallaabadda ay Ahlu-sunna Wal-jameeca ku qaadaceen Doorashadda Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee Barlamaanka soo socda, iyadoo laga cabsi qabo inay arrintaasi wax u dhinto Dib-u-heshiisiinta iyo Deganaanshaha Gobalka.

image-0-02-05-cea540482f3ce488c0c17e8a0796d2266633aa44c472be937185ecb485422825-v-1

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here