Safaarada Koofur Afrika ee Soomaaliya Oo Sheegtay Ineey Xalineeyso Mushkilada Soomaalida Kahaysata Safarka

Soomaalida ku nool dalka Koofur Afrika oo ay Caqabad ku tahay ineey kasoo safraan wadankaas, gaar ahaan dhanka hawada, ayaa safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas (Sayid Xasan Shiikh C/laahi) waxa uu sheegay ineey dhibaato ka taagantahay dhanka Baasaborka Soomaaliga oo aysan si rasmi ah u aqoonsaneen doowlada South Afrika.

Safiirka ayaa tilmaamay in dhawaan ay ku rajo wenyihiin in dalkaas ay soo garaan waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha doowlada Soomaaliya, si ay arimahaas ugala hadlaan doolwada South Afrika.

“Waxaan rabnaa maalmaha soo aadan inaan halkaan ku marti qaadno Jen. Gaafoow, si uu ula xaajooda doowlada South Afrika Calaaqaadna ay u yeeshaan, si Baasaboorkeena ay u aqoonsato doowlada Koofur Afrika, dakeenana ay ku dhoofi karaan” sidaa waxaa yiri Sayid Xasan, oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Koofur Afrika.

Sidoo kale safiirka ayaa ka dhawaajiyay in ay sameeyeen Istiraatiijiyad lagu diiwaan galinayo qofka Soomaaliga ah Jinsiyadiisa iyo meheradiisa ganacsi, si loo diiwaangaliyo, loona ogaado marka uu shaqsi dhib ku dhaco.

Sidoo kale safiirka waxa uu sheegay ineey jiraan dad farabadan oo Soomaali ah kuwaasoo doonaya ineey dalka dib ugu soo laabtaan, balse ay ku adagtahay ineey helaan baasaboorka Soomaaliga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here