Safaarada Jabuti ee Muqdisho oo beenisay in ciidanka Jabuti ay duqeeyeen Masjidka Al Hidaya

War maanta kasoo baxay safaarada ay dowlada Jabuuti ku leedahay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa lagu beeniyey warka sheegaya in ciidanka Jabuti ay duqeeyeen Masaajidka Al Hidaaya.

Warsaxfaadeedka safaarada ayaa lagu sheegay in hadalki todobaadkaan kasoo baxay Al Shabaab ee ahaa in ay ciidamada Jabuuti haatan ka jooga Magaalada Muqdisho ay qeyb ku lahaayeen duqeynta masaajidka oo ku yaala degmada Hiliwaa ay taasi tahay arin been abuur ah.

Waxa lagu yiri qoraal, Jabuuti waxaa ka jooga magaalada Muqdisho ciidamo hor dhac ah oo u kuurgalaya qorsheynta goobihi ay dagi lahaayeen ciidamada kale ee imaan doona, waxaana ay ciidamadaan hada arimahaasi kala kaashanayaan kuwa dowlada KMG iyo ciidanka AMSIOM.

Safaarada ayaa ku tilmaantay hadalka Al Shabaab ee ay ku eedeeyeen ciidanka Jabuuti mid ay ku doonayaan in ay naceyb ugu abuuraan shacabka Soomaaliyeed iyo ciidanka Jabuuti, laakin bay tiri aysan dhici doonin in ay iska hor keenaan umada Soomaaliyeed iyo ciidamada maadaama qof kasto uu ka dharagsanyahay sida Jabuuti ay ugu heelantahay nabada Soomaaliya.

Gudoomiyaha Al Shabaab ee gobolka Banaadir Sheekh Maxamed Abu C/raxmaan ayaa ku eedeeyey ciidamada Jabuuti ka jooga Muqdisho in ay  beegsadeen masaajidka Al Hidaan ee ay caanka ku yihiin culimada tabliiqa halkaasi oo la sheegay in ay ku dhinteen laba ruux.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.