Sadex qof oo lagu Gowracay Baydhabo

baydhabo132Saddex qof oo midkood uu yahay sarkaal ka tirsan ciidanka Dawladda Federalka Somalia oo la sheegay in guryahooda lagala baxay ayaa la dilay, ka dibna iyaga oo la gowracay meydkooda waddada magaalada la soo dhigay.

Dadka la dilay oo lagala baxay Guryahooda, waxaa iyagoo la goowracay oo meyd ah lasoo dhigay Xaafado katirsan Baydhabo, waxaana kujiray dadkaan Sarkaal katirsan Milatariga DF.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dadkaan la gowracay ay ka danbeysay Kooxda Shabaab, oo looga bartay Gowraca dadka aan waxbo galabsan.

Shabaab ilaa iyo hada si rasmi ah uma sheegan falkaan.

Falal amni darro oo aad u xoogan, ayaa Habeenadii danbe kusoo kordhayay magaalada Baydhabo, waxaana arintaan loo aaneeynayaa qalalaasaha siyaasadeed ee beryihii danbe magaaladaas kajiray.

Dhinaca kalena, ururka Alshabab ayaa la wareegay gacan ku haynta xerada Daynuunaay ee ku taalla duleedka magaalada Baydhabo, ka dib markii, sida lagu soo waramayo, ay ciidanka dawladda Somalia ee xerada joogay iskaga baxeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here