Sadex caruur ah oo caawa lagu dilay xaafada Buula Xuubeey ee Muqdisho

Inta la ogyahay sadex caruur ah ayaa ku geeriyootay 7 kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray marki kooxo rag hubeysan ay bambooyin ku tuureen xarun lagu ciyaaro game-ka kubada cakta (Play-Staion).

Goobta ay ciyaalkaasi ku ciyaaraan game-ka electarooniga ah ayaa waxa ay u dhaw dahay halka lagu magacaabo Macruuf ee ka tirsan xaafada Buula Xuubey ee degmada Wadajir, waxaana la sheegayaa in ay baxsadeen ragi ka danbeeyey.

Waxaa laga cabsi qabaa in tirada caruurta ku dhimatay weerarkaasi wuxushnimada ahaa ay sii kororto.

Xaafada Buula Xuubeey waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah xaafadaha ugu badan ee ay ku badanyihiin weerarada ay fuliyaan dhalinyarada ka tirsan Al Shabab ee caanka ku ah bamba tuurista.

Goobta falku ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo ka tirsan dowlada oo howlgal ka sameeyey, hase yeeshee ma jirto cid ay u qabteen falkaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com