Sadex arrimood oo sabab u ah in Itoobiya ay Ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya

Ciidamada ItoobiyaHaaruun Macruuf oo ah wariye caan ah islamarkaasna ka howlgala Idaacada VOA laanteeda Afka Soomaaliga, ayaa sheegay in 3 sababod ay Itoobiya ciidamadeeda ugala baxeyso gudaha Soomaaliya.

Wariyaha ayaa Bartiisa Twitterka soo dhigay in sababaha ay Itoobiya Ciidamadeeda ugala baxeyso Soomaaliya ay kala yihiin.

 

  • Inay xooga saarto wax ka qabashada kacdoonka ka dilaacay dalkeeda, kadib markii xaalad degdeg ah lagu soo rogay Itoobiya, kaasoo soconaya mudo 6 Bilood ah.
  • Inay Cadaadis saarto Hogaamiyaasha Soomaalida xiliga doorashada lagu jiro si ay saameeyn ugu yeelato madaxda cusub ee Soomaalida.
  • Inay yareyso dhaqaalaha uga baxa ciidamada kumanaanka ah ee Soomaaliya ka jooga, kuwaasoo aan kamid ahayn AMISOM, iyadoo la ogyahay in deeq bixiyaasha mushaarka siiya Ciidamada AMISOM ay yareeyeen qarashkii ay siin jireen ciidamada AMISOM.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here