Sababaha ka danbeeyay is casilaada Eng. Yariisoow

YariisoowAfhayeenkii Madaxtooyada (Villa Somalia) ahaana la taliyaha Madaxweynaha Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow), oo maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaas, ayaa waxaa soo baxaya warar kala duwan oo la xiriira sababaha uu isku casilay.

Eng. Yariisoow oo wareysi siinayay Idaacada Barkulan, ayaa sheegay in is casilaadiisa aysan ka danbeyn Khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo M/weynaha.

Laakiin warar hoose ayaa sheegaya, in Eng. Yariisoow, uu Cadaadis kala kulmay Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Thaabit Axmed, oo ah u dhaxday Gabar uu Abti u yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taa oo ay dhashay Walaashii Nuurta Sheekh Maxamuud.

Warar kale ayaa sheegaya in Eng. Yariisoow uu Saddax Toddobaad kahor mar ka tagey Shaqada, balse Wadahadal & Waan-waan kadib dib loogu soo celiyay, laakiin Dhibaatada uu kala kulmiyay Thaabit aysan joogsan, ugu dambeyna Maanta si toos ah uga tagay Villa Soomaaliya.

Eng. Yariisow, ayaa 15-kii Bishii April ee Sanadkii 2013-ka loo soo magacaabay Afhayeenka Madaxtooyada iyo La-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxa’uud.

1 COMMENT

  1. Eng yarrisow mar hore ayey aheed in uu baxo waayo shaqsi ahaan aqoontiisa ma xumo lakiin waa nin aan xafidin Karin afkiisa tusaale ahaan maahan in uu ka sheekeeyo meeelaha nasashada ama meelaha kale ee surtagal ay tahay in ay joogaan sirdoonka caddowga danta qaranka soomaliya hadii aad xusuusataan markii shirkii turkiga ka socdey in telefoon loogaga duubey asagoo sheekeynaayo si sahal ah taas waxay ku tuseysaa in ay yar tahayisilaalinta qofeed sida ay soomalida u badan tahay dhamaantood waa wada basaasiin wardoon ah kuwa saxaafada sheegta 70% waa kooxo u shaqeeya shisheeye ama milkilayaasha waa dowlado kale marka waxay ka shaqeeyaan danta jeebkooda waayo 23 sanno waxay ka taajireen dhiiga shacabka soomalida xanuunka kursiga wada diloodey qof kursi jecel waa qof waalan soomali waa qaxooti aan heysan maalintii wuxuu cuno meel walbo aduunka ayey ku dhiban yihiin madaxdiina tanaasul iyo towbadkeen ma rabaan qaarkood argoosi qabiil qaarna qaska iyo dagaalka ayey waxay nolol ka dhigten
    xalka soomaliya waa sahlan yahay waa toosnaan, tanaasul iyo towbadkeen in leys cafiyo leykuna dulqaato qofwalnaba sharafka uu mudan yahay oo la siiyo soomali waa hal qabiil hal hooyo ayaa dhashey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here