Saan colaadeed oo ka taagan Kismaayo iyo diyaarado ku dul wareegay

Maalin kadib marki uu dhintay wasiirka amniga qaranka ee Kenya ayey bilaabeen in ay dhaq dhaqaaq dagaal oo ku wajahaan Kismaayo ka bilaabaan degmada Afamadow.

Sida ay wararku sheegayaan ciidamada Kenya ayaa wada qorshe ay duulaan balaaran ugu qaadayaan xarakada AL Shabaab si ay isugu dayaan in ay qabsadaan Kismaayo oo ah halbowlaha xarakada AL Shabaab.

Hase yeeshee cabsida ka jirto Kismaayo ayaa xoogeysatay ka gadaal marki diyaarado dagaal ay saacadihi lasoo dhaafay ku wareegteen hawada magaalada kuwaasi oo marar kala duwan kusoo laa laabtay.

Dadka ayaa ka cabsanaya in ay magaalada ka dhacdo duqeyn, iyadoo wararka ka imaanaya magaalada Afmadow ay Sheegayaan in ay ka socdaan dhaq dhaqaaqyo kala duwan oo ay wadaan ciidamada is garabsanaya.

Kismaayo ayaa ah magaalada ugu weyn ee haatan ku danbeyso gacanta AL Shabaab, waxaana u bira tumanaya ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya.

1 COMMENT

  1. hadii aan ka hadlo figirka igaga aadan ku wajahan kismaayo iyo ciidamada hada kwa jahan dhab ahaantii waxay iila muuqadataa in qabashada kismaayo ay halboole u tahay dowlada kmg waayo waa halka kaliya ee hada ay ka helaan dhaqaale alshabaab kuna tiirsanyihiin hadii lagala wareegana ay noqon haad geedwayey balsa ay u badan tahay in ay noqdaan jamhad ku xoog badan wadanka howdka ah thnks

Comments are closed.