Saamiya Yuusuf Cumar oo kamid ahayd orodyahanada ugu fiican Soomaaliya ayaa ku geeriyootay Badda udhaxeeysa Liibiya iyo Italy

Inaalilaahi wa’inaa ileyhi raajicuun allaha unaxariistee Orodyahanada Soomaaliyeed Saamiya Yuusf Cumar oo kamid ahayd ciyaaryahandii Soomaaliya uga qeyb galay tartankii olompikada Bejin 2008,ayaa geeriyootay xili ay isku dayeeysay ineey katalaabto badda udhaxeysa Libiya iyo italy,Saamiya ayaa kamdi ahayd koox tahriibayaal ah oo saaran doon kasameeysan bac kuwaasoo doonayay ineey gaareen Xeeebaha Italy kahor inteeysan doonta cilad dhanka matoorka ah ku imaan.

Madaxa olombikada soomaaliya oo wareysi siinayay BBC-da ayaa xaqiijiyay in Saamiya ay ku dhimatay badda udhaxeysa libiya iyo italy,kadib markii ay cilad ku timid dooni ay saarneyd.

Saamiya ayaa ka 2005 kaqeyb gashay orodka 200 mtr ee Bajin iyadoon haysan wax tababar ah,isla markaasna waxay ka gashay kaalmaha ugu horeeya.

Saamiya ayaa ku dhalatay kuna soo barbaartay magaalada Muqdisho oo ay mudo kajireen dhibaatooyin isugu jira dagaalo,qas foowdo,iyo qaajo sidookale waxaa jirtay in meelaha qaar laga mamnuucay in gabdhaha ay kaqeyb qaataan qeybaha kala duwan ee sportiga.

Alaha unaxariistee Saamiya oo mar wareysi siisay tv-ga Al-jaziira ayaa waxay sheegtay in dhowr mar ay hanjabaad utimid kadib markii ay kasoo qeyb gashay tartankii olombikada Bejin 2008,xiligaasoo qeybo badan oo Muqdisho kamid ah ay xukumayeen Al-shabaab.

Bilawgii Ocober 2010 ayay Saamiya ubaqooshay Ethiopia si ay uhesho macalin(tababare) kacaawiya sidii ay uga qeyb gali lahayd tartanka Olombikada 2012 London,intaas wixi kadanbeeyay majirin wax war ah oo laga hayay ilaa laga maqlo geerida naxdinta leh ee kutimid.

Saamiya ayaa lasheegay in sababta kadanbeysay ineey nafteeda ku biimeeyso tahriibka qatarta ah ay ahayd sidii ay uheli lahayd tababare gacan kusiiya sidii ay uga qeyb gali lahayd tartanada caalamiga ah,si ay magac ugu soo jiito Soomaaliya,balse mahaelin garabkii ay uga baahneyd xiriirka Olombikada Soomaaliya.

Orodyahanka caanka ah ee soomaaliyeed Cabdi Bile oo mar qaaday bilada dahabka ah ee orodka dheer oo wareysi siinayay jariirad kasoo baxda dalka talyaaniga,ayaa waxa uu sheegay in saamiya hadii ay soo gaari lahayd Yurub ay heli lahayd macalin wanaagsan ay ahaan lahayd qofka labaad ee Soomaaliya usoo hoya biladda dahabka ah kasokoow isaga.

Cabdi Bile waxa uu sheegay in isagoo 12 sano jir ah uu yimid qaarada yurub kadibna uu helay tabarbar wanaasgan sidaasna uu ugu guuleeystay biladda dahabka,magac iyo sumcadna uu ugu soo jiiday Soomaaliya,saamiyana ay sidaa oo kale ahaan lahayd balse uu waqtigeeda halkaas ku ekaay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here