Saameynta ay yeelan karto ceyrinta Haysom

Tallaabada ay DF ku dhaweysay ergayga QM u qaabilsanaa Soomaaliya, ayaa u muuqata mid lagu deg decay oo aan laga fiirsan.

Eryida Hayso, ayaa saameyn xoogan ku yeelan karta xiriirka Beesha caalamka iyo Doowlada Federaalka. Waana qadiyad meelo badan taaban karta.

Hadaba waxaan halkan idinkugu soo gudbin doonaa ilaa 4 qodob oo saameyn ku yeelan kara eryida Nicholas Haysom.

1-askarta Amisom oo gacanta ku haya dhul badan oo dowladdu ay sheegato waxay hoostagaan Qaramada Midoobay.
2-Askartaasi waxaa ka mid ah kuwa waardiyeeya Madaxweynaha,Ra’iisul wasaaraha iyo Afhayeenka Baarlamaanka.
3-Xarumaha Dowladda ugu muhiimsan askarta Amisom ee Qaramada Midoobay ayaa haya sida Garoonka iyo Dekada.
4-Dhaqaalo badan ayay Qaramada Midoobay ku bixisaa degenaanshaha Soomaaliya.
Baahiyahan iyo kuwo kaloo badan Soomaaliya maanta iskama dabooli karto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here