Saado Cali Warsame oo Loo Dhaariyey Xubnimada Baarlamaanka Cusub

Iyadoo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho lagu dhaariyey Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa mudanayaasha cusub waxaa kamid ah Fanaanada caanka ah ee Saado Cali Warsame.

Saado Cali Warsame ayaa kamid ahayd 211-Xildhibaan oo caawa lagu dhaariyey munaasabad ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Saado Cali waxay kamid ahayd ergadii ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya, waxayna u metelaysey Puntland.

Fanaanada Saado Cali Warsame waxay horaantii bishii Ramadaan shil gaari oo uu dhaawac kasoo gaaray ku gashay duleedka magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Saado Cali oo ah Fanaanad caan ah oo ay codkeeda iyo fankeeda jecel yihiin bulshoweynta Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay waxay aad uga hadli jirtay siyaasadda Soomaaliya iyada oo adeegsanaysa suugaanta.

Sikastaba arrintaan ayaa noqonaysa in Saado Cali Warsame ay si toos ah ugu biirtay masraxa siyaasadda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here